Somali-land oo Ka Hadashay in Hawada Laga Maamulo Muqdisho+Dhageyso

0

Maamulka Somali-land ayaa waxba kama jiraan ku tilmaamay in Dowladda Soomaliya ay lasoo wareegtay qalabkii lagu hagi lahaa Hawada, islamarkaana hawada laga maamuli doono magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomailiya.

Wasiirka Duulista iyo saadaasha Hawada ee Maamulka  Somaliland Farxan Adan Haybe oo warbaahinta kula hadlay magaaladda Hargeysa ayaa sheegay in waxba ka jiraan ay yihiin wararka ku aadan in Magaaladda muqdisho hada kadib laga hagi doono Hawada, islamarkaana Dowladda Soomaliya aysan lasoo wareegin wax qalab ah.

“Waxaan caadeynaynaa in aysan jirin cid lagu wareejiyay Maamulka hawada, Magaaladda muqdisho awood uma lahan in laga hago qalabka Hawada, waxaas waxaa qoray wabaahinadda dowladda taageera,waxaan mar kale idin xaqiijinaynaa in qalabka laga hago hawadda Soomaliya in wali uu yaalo dalka Kenya,Dowladda federaalka Soomaliya waxa ay soo bandhigtay waa qalabka saadaasha hawada Soomaliya”, ayuu yiri Wasiirka Duulista Somaliland Farxan Adan Haybe

Sidoo kale Wasiirka Duulista iyo saadaasha Hawada ee Maamulka  Somaliland Farxan Adan Haybe ayaa sheegay in qalabka laga hago Saadaasha hawada Soomaliya in uu yaalo Magaalooyinka muqdisho, iyo Hargeysa balse uu wali jiro qilaafka ku aadan cidii lagu waraajin lahaa maamulka hawadda Soomaliya.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here