Madaxweynayaasha Maamul Goboleedyadda oo Ku Kulmaya Magaaladda Kismaayo

0

Madaxweynaha maamulka Jubba-land Axmed Maxamed islaam (Axmed Madoobe) oo maanta shir jaraaid ku qabtay magaaladda kismaayo ee caasimadda kmg ah ee maamulka jubba-land ayaa sheegay in magaalaadaas ay taalo gogol nabadeed ay isugu imaan doonaan madaxda maamul goboleedyadda dalka xiligaan ka jira.

Madaxweyne Axmed madoobe  ayaa sheegay in madaxda maamul goboleedyadda ay ku heshiiyeen in ay ku kulmaan magaaladda kismaayo si ay ugu wada-hadlnaan Khilaafka soo kala dhex-galay maamul goboeedyadda iyo dowladda dhexe Federaalka ah soomaliya ee ku aadan arrimaha xiisadda khaliijka Carabta.

“Gogol nabadeed ayaan dhigeynaa magaalada kismaayo oo ay isugu imaanayaan dhamaan madaxda dowlad goboleedyada si la isula qeexo xuquuqda dowlad goboleedyada iyo maqaamka dowladda federaalka si aan uga gudubno jahawareerka siyaasadeed ee uu dalku kujiro”, ayuu yiri madaxweynaha jubba-land.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here