Magaaladda muqdisho waxaa soo gaaray Wafdi uu Hogaaminayo Madaxweynaha maamul goboleedka Hirshabeelle Maxamed Cabdi Waare kaasi oo noqonaysa safarkii u horeeyay oo uu ku yimaado, tan iyo markii loo doortay.
Madaxweyne Waare ayaa waxaa ku soo dhoweeyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde Wasiirka Waxbarashada, Xildhibaano, taliyeyaal ciidan iyo saraakiil.
Madaxweyne Waare ayaa la balansan sida wararka ay sheegayaan wakiilada beesha Caalamka ee fadhigoodu yahay Xarunta Xalane.
Sidoo kale Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa la filayaa inuu la kulmo Madaxweynaha iyo Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka.
Madaxweynaha Hirshabeelle ayaa maalmihii la soo dhaafay safaro ku kala bixiyay degmooyinka Gobolka Hiiraan, waxaana uu tagay Beledweyn, Buulo Burde iyo Jalalaqsi oo uu kula kulmay qeybaha kala duwan ee bulshada.




