Madaxweynaha dowladd Goboleedka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(xaaf) oo maanta dib ugu laabtay magaaladda Cadaado ee caasimadda KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa eedeen kulul u jeediyay dowladda dhexe ee federaalka soomaliya.
Madaxweyne Xaaf ayaa sheegay in madaxda Dowladda federaalka Soomaliya ay wadaan arin lidi ku ah Dowladd goboleedka Galmudug islamarkaana shacabka iyo mas’uuliyiinta Maamulkaas loogu baahan yahay in ay ka hortagaan.
Sidoo kale madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ka hadlay sababihii ka dambeeyay In diyaarad siday ay ka dagato garoonka diyaaradaha magaaladda Hargeysa ee caasimadda maamulka Somali-land.
Waxa uu sheegay Madaxweynaha Galmudug in ilaa 5-saacadood laga celinayay in diyaaradii uu saarnaa ay caga dhigato garoonka diyaaradaha Magaaladda muqdisho, taasin ay keentay in uu ka dagto garoonka diyaaradaha Cigaal International ee Magaaladda Hargeysa.
Ugu dambeyntii Madaxweynaha dowladd goboleedka galmudug Axmed Ducaale Geelle(Xaaf) ayaa ka codsaday shacabka reer galmudug , Madaxda maamul goboleedyadda iyo Qaramada Midoobay in ay ogaadaan xaqiiqada ah in madaxda dowladda Soomaliya ay diyaar u yihiin burburinta Galmudug.

