G-Wasiirada Galmudug oo Kulan Ka Yeeshay Xaaladda Siyaasadeed ee Maamulkaas+Dhageyso

0

Shirka golaha wasiirada maamul Goboleedka Galmudug oo uu shir gudoominaayey madaxweyne ku xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi (Carabeey) ayaa maanta looga hadlay arrimo ku saabsan Khilaafka siyaasadeed ee u dhaxeeyo madaxda ugu sareyso maamulkaasi.

Waxaana shirkaasi inta uu socday lagu faaqidey xal u helida is qab qabsiga mas’uuliyiinta maamulkaasi oo sabab u ah mowfiqka uu madaxweynaha maamulkaasi ka qaatay khilaafka wadamada khaliijka Carabta.

Wasiirka wasaarada warfaafinta maamulka galmudug mudane Maxamuud aadan Cusmaan (Masagawaay)ayaa warbaahinta u akhriyey war murtiyeed kasoo baxay shirka golaha wasiirada maamulkaasi.

Dhawaanahaan waxaa madaxda maamulkaasi ugu sareyso soo kala dhax galay mad madow iyo kala shaki ku aadan mowqifka madaxweyne Axmed Ducaale Geelle( xaaf)uu ka qaatay khilaafka wadamada khaliijka,waxaana la ogeyn bal sida uu u dhaqan galayo amarada kasoo baxay golaha wasiirada maamulkaasi.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here