Al-shabaab ayaa degmada jilib ee Gobolka jubada Dhexe waxa ay kusoo bandhigeen Saddex askari oo ka goostay maamulka Jubba-land oo fadhigiisa yahay magaaladda kismaayo.
Goobta lagu soo bandhigayay Saddex-daan askari iyo hubkii ay ku dagaalamayeen waxaa ku sugnaa mas,uuliyiin ka tirsan Maamulka Al-shabaab Ehelada askartaasi.
Saddex-daasi askari ayaa sheegay in ay ka goosteen Maamulka Axmed Madoobe islamarkaana ay haatan ogaadeen in waxa ay u dagaalamayeen ay ahaayeen wax qaldan.
Isa soo dhibidda askartaan ayaa kusoo aadeysa xilli maalmo ka hor Maamulka Al-shabaab ee Gobolka Galgaduud uu isku dhiibay Cabdullaahi Jareer oo ahaa taliyihii Ciidamada Dowladda Soomaliya ee Degmada Ceel-buur ee Saddex-dii Sano aynu soo dhaafnay ku sugnaa Degmadaas.
