Islow:-“Shacabka Sharci Looguma Dhigi Karo Kaarka Aqoonsiga”,+Dhageyso

0

Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in ciidamada Ammaanka Dowladda aysan shardi uga dhigi karin Dadweynaha waddooyinka maraya in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Wasiirka oo maanta ka qeybgalay kulan deg deg ah oo looga hadlayay xoojinta ammaanka magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya oo lagu qabtay Degmada Kaxda ee Gobolka Banaadir, ayaa siweyn uga hadlay ahmiyadda ay leedahay wada shaqeynta shacabka iyo hay’adaha ammaanka dowladda Soomaliya.

Wuxuu sheegay Mudane Maxamed Abuukar Islow Ducaale in laga bilaabo maalinta sabtida ah ee soo socota uu dhaqan geli doono go’aanka ku aadan in shacabka isticmaalaya waddooyinka aan lagu xujeyn Karin in ay wataan aqoonsi Dowladeed.

Waxaa shirkaasi ka qeybgalay guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa magaalada Muqdisho Taabid Cabdi Maxamed,Wasiirka arrimaha gudaha Cabdi Faarax Siciid Juxaa,xildhibaano katirsan Baarlamaanka Soomaaliya iyo saraakiisha laamaha ammaanka Dowladda Soomaaliaya,kaasi oo siweyn loogu gorfeeyey sidii la isaga kaashan lahaa xaqiijinta amniga caasimadda.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here