Soomaaliya oo Waydey Codkii ay Ku Lahayd Golaha Qaramada Midoobey

0

Soomaaliya ayaa waydey codkii ay ku lahayd GolahaQaramada Midoobey kadib markii ay bixin waydey khidmadii Xubinnimada Qaramada Midoobey.

Warar la helayo ayaa waxa ay sheegayaan in Ilaahada lagu leeyahay Soomaaliya lacag dhan Laba Milyan oo dollar 2 Milyan tasoo ah lacag isgaartay Mudo sanado ah.

Soomaaliya Xubin Way kasii ahaaneysaa Qaramada Midoobey laakiin laga bilaabo hada ma ay yeelaneyso xuquuq ay ku codeyso marka Golaha laga dhex codeynayo.

Qodobka 19aad ee Qaramada Midoobey ayaa qoraya in wadankii bixin waaya khidmadaxubinimada uu waayayo Codkii uu ku lahaa Qaramada Midoobey.

Sidoo kale wadamada Comoros, Guinea-Bissau, Sao Tome and Principe iyo Somali Republic; ayaan wax cod ah ku yeelan doonin Shirka, iyada oo sabaabtu tahay in aanay bixin Qaaraanka xubinnimada ee sanadlaha ah ee Qaramada Midoobay.

Inkastoo aan si rasmi ah loo shaacin mudada aysan Soomaaliya aysan bixin lacagta Xubinimada hadana Wararka la helayo waxa ayy sheegayaan  in aysan Soomaaliya bixin wax khidmad ah Mudo 3 Sano ah

Raisul Wasaare Kheyre ayaa iminka wuxuu ku sugan yahay New York waliba kama uusanhadlin Sababta keentey in Soomaaliya ay u bixin waydey khidmada

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here