Shil Geystay Qasaaro Nafeed oo Ka Dhacay Jowhar+Sawirro

0

Inta la xaqiijiyay Saddex ruux ayaa ku dhimatay afar kalana waa ay ku dhaawacantay shil gaari oo ka dhacay  duleedka Koofureed ee magaalada Jowhar.

Dadka ku dhintey shilkan ayaa la sheegay inay labo kamid ah ay ahaayeen haween halka qofka kalana uu ahaa rag,dadkii ku dhaawacmay shilkan ayaa la dhigay isbitaalka magaalada Jowhar.

Shilka ayaa waxaa ku dhintey allaha u naxariistee Marxuum Xaaji Cabdulle Xasan Madaxdheelshe oo ka mid ahaa waxgaradka caanka ka ah magaalada Jowhar.

Maamulka gobolka Sh/dhexe oo ugu horeeyo guddoomiye ku xigeenka arrimaha Siyaasada Maxamed Cabdi Sheekh ayaa u gurmaday dadkan iyagoo dhaawacii ka soo qaaday halka uu shilku ka dhacay oo ah tuulada garaash oo qiyaastii 4km u jirta magaalada Jowhar.

Shilkan ayaa ka dhashay gaari Noah ah iyo Mooto nooca bajaajta oo ku sii jeeday tuulada Kongo halka baabuurkan la sheegay inuu ku soo socday magaalada Jowhar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here