Ciidanka Ammaanka Ee Maamulka Puntland aya Maanta Magaalada Gaalkacyo ku qabtay nin xalay Fiidkii Magaaladaasi ku dilay Masuul la shaqaynayey wasaaradda Maaliyadda Ee Maamulka Puntland.
Ciidamada ayaa ninka dilka geystay kazoo qabtay Xaafadda Garsoor ee Magaalada Gaalkacyo oo illaa xalay uu ku dhuumaaleysanayey markii uu falka dilka ah geystay kadib.
Guddoomiyaha Magaalada Gaalkacyo ee Puntland Xasan Maxamed Khaliif ayaa u xaqiijiyey Idaacadda Simba ee magaalada Muqdisho in ay ciidamadu qabteen Saaka Barqadii Ninkii ka dambeeyey dilka Libaan Warsame oo la sheegay inuu ka tirsanaa Wasaaradda Maaliyadda Puntland ee qaybteeda Gobolka Mudug.
Waxaa uu sheegay in loo dhaadhiciyey Saldhigga weyn ee magaalada Gaalkacyo halkaa oo uu xukun suge uu ku yahay Sida uu xaqiijiyey,xaaladda Magaalada ayuu sheegay inay daggantahay kadib shaqaaqadii xalay dhacday
Magaalada Gaalkacyo dhinaca woqooyiga ee uu ka arimiyo Maamulka Puntland ayaa waxaa isbuucyadan ka taagan xiisado ku saleysan aanooyin qabiil,waxaana wararka qaar ay sheegayaan in xabsiyada Magaalada lagasii dayey tiro dad ah oo lagasoo qabtay dilalkii ka dhacay magaaladaas.

