Sheekh Maxamed Xuseen (Al qaadi) gudoomiya ku xigeenka dhinaca Amniga iyo Siyaasadda dagmada Balad xaawo ee Gobolka Gedo oo u waramay Idaacadda simba ee Magaaladda Muqdisho ayaa ka warbixiyay xaalada Magaaladaas.
Al qaadi ayaa tilmaamay in haatan ay tahay baladxaawo mid dagan islamarkaana ay gacanta ku hayaan ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya.
Waxa uu sheegay Gudoomiye Ku-xigeenka in qasaaro sidaas u badan aanu kasoo gaarin dagaalki ciidamada dowlda iyo dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ku dhexmaray Magaalada baladxaawo isagoona carabka ku dhuftey Al qaadi in duqeymo ay ka fuliyen diyaaradaha dagaalka Kenya deegaanada ku teedsan Magaaladaas.
Dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ayaa mudo saacado ah gacanta ku hayay magaalada baladxawo ee Gobolka Gedo kadib markii ay dagaal shalay kula wareegeen magaladaasi wallow markii dambe si iskood ah ay isaga baxeen halkaasi.

