Odey Dhaqameedyo Laga Sii Daayay Saldhiga Magaaladda jowhar

0

Xalay Saldhiga Magaaladda jowhar ee Caasimadda Maamulka Hir-shabeelle waxaa laga sii daayay In ka badan labaatan ruux oo isugu jirey oday dhaqameedyo iyo nabadoono oo muddo ku dhow bil ku xirnaa saldhiga Magaaladaas.

Oday dhaqameedyadan oo u joogay magaalada Jowhar shir lagu heshiisiinayay beelo ku dagaalamay deegaan ka tirsan degmada Cadale ayaa sii deyntooda waxa ay ku timid  kadib markii ay ogolaadeen in shirkii hore ugu socday labada beel inuu dib  u bilowdo.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in sii deynta odayaashaan in ay ka qeyb qaateen waxgarad iyo siyaasiyiin ka soo jeeda gobolka Shabeelaha dhexe waxaana lagu wadaa in shirkii lagu heshiisiinayay labada beelood uu maanta dib ugaga bilowdo magaalada Jowhar.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here