Xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka ah ayaa maanta ku kala qeyb-samay ka doodista arrintii ku saabsaneed sida ay xukuumadda Cali Kheyre ku dhiibtay Cabdikarim Qalbi-dhagax oo ah Sarkaal ka Tirsan jamhadda ONLF kaasi oo loo gacan galiyay Dowladda Ethopia.
Sidoo kale Guddoonka golaha Aqalka Sare ayaa axaddii waxa ay isku raaceen in laga doodo arrinta Qalbi-dhagax, isla markaana go’aan laga gaaro sax iyo qalad ahaanshiyaha wixii dhacay, Laakin waxaa arrinkaasi maanta ka biyo-diiday Senatarro golaha ka tirsan.
Magacyada Xildhibaannada Diiday in Arrinta Qalbi-dhagax Laga Doodo:
Ayuub Ismaciil Yusuf
Iftin Xasan Mursal
Xuseen Cali Xaaji
Cabdisalaam Xaaji Maxamed
Saciid Cabdi Xuseen
Yusuf Geelle Ugaas
Cabdiwaaxid Cilmi Goon-jeex
Axmed Cabdi Xafid Maxamud (Bulsho)
Cabdi Axmed Dhuxulow
Zamsam Ibrahim Cali
Fartun Cabdiqadir Karaama
Deeqa Xasan Xuseen
Axmed Cabdi
Abokar Axmed Xaashi
Timiro Maxamed Cali
Naciimo Ibrahim Yusuf
Jawaahir Axmed Cilmi
Cabdullahi Cabdi Garuun
Bootaan Barre Bootaan
waxaa jiray 2 Xildhibaan oo horay aan ugu jirin Liiska Senatorada ku doodayey in maanta aan laga hadlin Arrinta Qalbi-dhagax balse ku biiray liiskaas markii codka la geliyay…Labadan Xildhibaan waa:
Xasan Faarax Xujaale
Cabdirisaq Cismaan Xasan Cismaan Jurille.
Dhinaca kale, waxaa jiray Xildhibaanno aqalka sare ka tirsan oo aad u jeclaa in maanta laga dodo dhiibista xukuumadda Kheyre ee Cabdikarim Qalbi-dhagax, Xildhibaannada oo 11 ahaa waxaa looga adkaaday codbixintii la qaaday.
Magacyada Xildhibaannada Taageersanaa In Laga Doodo Dhiibista Kheyre ee Qalbi-dhagax:
Muuse Suudi Yalaxow
Maxamed Amiin Shiiq Cusmaan
Muna Cumar Xasan
Axmed Xaashi
Nuuro Faarax Jaamac
Abshir Maxamed Axmed(Bukhaari)
Maxamed Xuseen Raage(Surwaal-weyne).
Mustaf Maxamed Qoodax
Cabdikarim Maxamed Xasan
Cabdirisaq Axmed Ibrahim
Cusmaan Axmed Macow
Xildhibaannada ka Ammusay oo 4 ahaa waxaa ka mid ahaa:
Cabdillahi Sheekh Ismaaciil Fartaag
Maxyudin Sheekh Cali Jaamac,
Ilyaas Cali Xasan
Zamsam Daahir Maxamud

