Saraakiil Nageria Ah oo Soomaliya Isaga Baxaya

0

Saraakiil Nagerian ah oo katirsan howlgalka midowga Africa ee AMISOM ayaa dalka soomaaliya isaga baxaya kuwaa oo ahaa tababarayaal ka socday dowlada nageria, kadib markii magaalada mogdishu uruka midowga Africa ay ku gudoonsiiyeen abaalmarino iyo shahaadoooyin muujinaya howlgalkii soomaaliya ay ka wadeen.

Xili xafladan sagootinta ah uu ka hadllayay taliyaha ciidamada booliiska ururka midowga Africa ee soomaaliya Brig Anand Pillay ayaa kaga mahadceliyay saraakiisha howlka guuleestay ee soomaaliya lagu caawinayay waxaana uu sheegay in ay ka  qeyb ka qaateen  doorashooyinkii madaxtinimo iyo kuwii baarlamaan ee sanadkan bilowgiisa ka qabsoomay soomaaliya.

Waxaa Taliyaha Ciidamada booliiska Howlgalka AMISOM uu kaga mahadceliyay saraakiishan nagerian-ka ah sidii wanaagsaneed oo ay ka qeyb qaateen caleema saarkii madaxweynaha soomaaliya oo uu tilmaamay in door muhiim ah ay ka ciyaareen.

Dalka Nageria ayaa ka mid ah lixda dal oo ciidamadooda booliiska ay soomaaliya ka howlgalaan kuwaa oo kala ah Kenya, Sierra Leone, Ghana, Uganda and Zambia.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here