Faah Faahin:-Weerarkii Ka Dhacay Degmada Dharkinley

0
????????????????????????????????????

Kooxo hubeysan oo gaari raaxadda ah watay ayaa barqanimadii maanta waxa ay rasaaseeyeen gaari ay saarnaayeen Dad shacab ah oo marayay Degmada  dharkinley ee Gobolka Banaadir gaar ahaan Xaafadda Suuq Liif.

Wararka ayaa sheegaya in Gaari NOAH lagu hor jaray Gaariga la rasaaseeyay , waxaana ku dhaawacmay Darawalkii Gaarigaasi iyo Aabaha wasiir ka tirsan maamulka Galmudug oo magaciisa lagu soo gaabiyay Catoosh, kaas oo ay ka soo qaadeen garoonka Aadan Cadde.

Sidoo kale Wararka ayaa sheegaya in Gaariga ay la socdeen dadkaasi Shacabka ah ay leedahay Xildhibaan Sahro Cumar Maalin oo ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya sida ay noo xaqiijisay wasiirka caafimaadka Galmudug Naciimo Catoosh oo dadkii wax ku noqday weerarkaas uu ka mid ahaa Aabaheyd oo maanta safar dibadda ah ka yimid.

 

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here