Guddiga Doorashada Hir-shabeelle oo Soo Gaba-gabeeyey Diiwaan-galinta Musharaxiinta

0

Guddiga Doorashada  Madaxweynaha Maamulka Hir-shabeelle ayaa maanta oo Taariikhdu tahay 09-09-2017 waxaa ay soo Xireen diwaan galinta Musharaxiinta u Tagaan Xilka Madaxweynaha Maamulkaasi sida ay Idaacada Simba ay u Xaqiijiyeen Xubnaha Guddiga Doorasha.

Afhayeenka Guddiga Doorashada Maamulka Hir-shabeelle C/wali Sheekh Cali oo la hadlay Idaacada Simba ayaa sheegay in Maanta ay soo idlaatay diiwaan galinta Musharaxiita u tartamaya Xilka Madaxweynaha waxa uuna Xusay inay Diwaan galiyeen 7-Musharax oo ka qeybgalaya tartanka doorashada Madaxweynaha.

Sidoo kale Afhayeenka Guddiga Doorashada Hir-shabeele ayaa Sheegay Doorashada Madaxaweyne ay dhici doonto 12-Bishaan oo ku beegan waqtiga ka dambeysta ah sida ku qoran Dastuurka Maamulkaasi.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here