Faah-faahin:-Qarax Ismiidaamin ah oo Ka Dhacay Magaaladda Baydhabo

0

Wararka ka imaanaya Magaaladda Baydhabo ee Caasimadda KMG ah ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya ayaa ku waramaya in qarax ismiidaamin ah in uu ka dhacay gudaha magaaladaas.

Qaraxaan ayaa ka dhacay maqaaxi ku taalla magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Baay.

Sida ay inoo sheegeen dad halkaas ku sugan Maqaaxida uu Qaraxa ismiidaaminta ah ka dhacay ayaa ku taalla agagaarka xarunta Shirkadda  Dahabshiil oo aan sidaas uga fogeyn Afar irdoodka Magaalada Baydhabo.

Warar kaa ka duwan ayaa sheegaya in Qaraxa loo adeegsaday gaari walxaha qarxa laga soo buuxiyay, oo lagu Qarxiyay maqaaxida xili ay aheyd mid mashquul badan.

Xiliga uu Qaraxa dhacaayay ayaa waxaa goobta ku sugnaa dhalinyaro farabadan oo la sheegay inay la shaqeynayeen maamulka Baydhabo, kuwaa oo uu soo gaaray khasaaro kala duwan.

Dhanka kale Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya iyo kuwa Koonfur galbed Soomaliya ayaa gaaray goobta uu qaraxa ka dhacay waxaana gabi ahaanba la xirey wadooyinka soo gala.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here