Wasaaradda Maaliyadda XFS iyo Banggiga Adduunka oo Muqdisho Kulan Ku Leh+Sawirro

0

Magaaladda Muqdisho waxa haatan ka socda kulan looga hadlayo arrimaha horumarinta dhaqaalaha,iyo mashaariicda Soomaaliya kaasi oo u dhexeeya madax ka socota Banggiga Adduunka iyo Wasaaradda Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Kulanka waxaa  yeelanaya kusimaha Wasiirka Maaliyadda XFS ahna Wasiir ku xigeen mudane C/llaahi Sheekh Cali Qaloocow iyo Wakiilka Banggiga adduunka u qaabilsan Soomaaliya,iyadoo ay goob joog ka yihiin lataliyaal ka kala socoda Xafiisyada Ra’iisul Wasaraah iyo kan Wasaaradda Maaliyadda, agaasimayaasha waaxyaha kaladuwan ee Wasaaradaasi.

Mas’uuliyiinta Wasaaradda Maaliyadda ayaa soo bandhigaya qorshayaasha horumarineed iyo guulaha dhanka maamulka Maaliyadda ah oo ay gaartay Dowladda Soomaaliya iyo kaalinta Banggigga aduunka uu ku leeyahay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here