Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa soo bandhigay sawirro ka turjumaya weerarkii bishii July, 2017 ee lasoo dhaafay ka dhacay wadada isku xirta Magaalooyinka Golweyn iyo Buula-mareer ee Gobolka Shabeelaha hoose.
Shaabaab waxay dagaalkaas ugu magac-dareen dagaalkii Xarbul-Cisaabaatka.
Muuqaalku wuxuu soo tabinayaa ciidamada Al-shabaab oo leynaya Ciidamada Midowga Afrika AMISOM gaar ahaan kuwa Uganda.
Dowladda Uganda ayaa dagaalkaas ku qiratay in loogu dilay 12-askari islamarkaana loogu dhawaaacay 30-askari oo Ka Tirsanaa Ciidamada Uganda ee Soomaliya ku sugan.







