Sanadkii 1993 ayaa waxaa maamulka Hawada Soomaaliya la wareegay hay`adda ICAO oo ah hay`ad ka tirsan Qaramada Midoobay Hay`addan ayaa wixii xiligaa ka dambeeyey iyadoo aanay dowladahii Soomaaliya soo maray wax lug ah ku lahayn waxa ay si kali ahaan ah u maamuleysay Hawada Soomaaliya.
Hadaba wixii ka dambeeyey bishii Janaayo 2017 ayaa waxaa soo ifbaxay in ay Hay`adda ICAO ay dooneyso in ay Hawada Soomaaliya labo midood ka yeesho maadaama uu culeys xad dhaaf ah ka soo food saaray dowlada Soomaaliya.
- In Hawada qayb ahaan la xiro iyadoo la xadidaayo joogaga ay dayuuraduhu ku isticmaali karaan maritaanka hawada (Flight Level Allocation Scheme)
- In ay Hawada qaybta Bada Hindiya xigta (Oceanic airspace) loo qaybiyo wadamada Hindiya iyo Seychelles.
Arintan ayaa waxaa wada laan ka mid ah ICAO oo la yiraahdo Air Navigation Bureau taasoo sabab uga dhigeeysa in ay dayuuradaha mara xadka ay Soomaaliya la wadaagto Hindiya aanay maqli karin raadiyayaasha ay adeegsaneyso xarunta Hawada Soomaaliya laga maamulo ee ku taala Nairobi.
Hadaba waxaa is weydiin mudan:
- Ku dhawaad 25 sano oo ay ICAO maamuleysay Hawada iyo dakhliga ka soo xarooda, maxaa keenay in Hawadii hada loo xiro qalab xumo?.
- In ay ICAO iyadoo maamulka Hawada iyadu haysa ay hadana tiraahdo waan xireeynaa sabab adeeg (service) xumo awgeed.
- Xiliga kala guurka oo uu socdo qorshe ay dowlada Soomaaliya kula wareegeyso maamulka Hawada maxaa qasab ka dhigay in ay ICAO tiraahdo Hawada waa la xirayaa ama waxaa loo qaybinayaa wadamada dariska qaarkood.?
- Hada oo ay socoto qalabayn guud ee garoomada Soomaaliya qaarkood taasoo ay wado dowlada Soomaaliya si looga gudbo caqabadaha hor taagan in Hawada ay la wareegto dowladu, maxeey ICAO waqti kooban u siin la`dahay dowlada si loo dhameystiro qalabaynta garoomada Muqdisho, Hargeysa, Bosaso iyo kuwo kale oo uu qorshaha dowlada ku jira.
Iskusoo wada duuboo waxaa hada taagan khatar ah in ay dowlada Soomaaliya lumiso qayb ka mid ah Hawada sare ee dalka maadaama ay ICAO usoo jeesatay in aanay Soomaaliya ku wareejin maamulka Hawada, hadii ay dowladu ku adkeeysato arintaana ay ICAO xiri doonto Hawada ama ay qayb ahaan siin doonto wadamada Hindiya iyo Seychelles.

