Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar ayaa markii u horeysay ka hadlay dhiibidii C/kariin Sheekh Muuse Qalbi Dhagax oo dhowaan dowladda Soomaaliya u gacan gelisay Itoobiya.
Isagoo wareysi siinayay Telefishinka Soomalaida Itoobiya ee ESTV waxaa uu ugu horeyn ka hadlay cida uu yahay C/kariin Qalbi Dhagax, isagoo sheegay inuu yahay nin u dhashay deegaanka Soomaalida Itoobiya, isla markaana uu dambi ka galay.
“C/kariin Qalbi Dhagax waxaa is weydiin mudan waayo, waa nin deegaanka Soomaalida Itoobiya u dhashay oo dambi ka galay, arrintiisa dastuurka dalka ayay u taalaa, C/kariin wuxuu ka mid noqday Booliskii u horeeyay ee deegaanka, dhibaato ayuu geystay, kufsi, dil iyo dhac, duurka ayuu galay, wuxuu ka soo jeedaa degmada Wardheer, arrintiisa iyo xaaladiisa Dastuurka dalka iyo hey’adaha nabadgelyada iyo Mas’uuliyiinta sare ee dowladda Itoobiya ayay u taalaa, tallaabooyinka laga qaadanayo”ayuu yiri Cabdi Maxamuud Cumar.
Waxaa uu sheegay Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar in cida ka hadlaysa dhiibidiisa ay tahay kuwo dano iyo ajandayaal fara badan leh, qaarkood wuxuu ku sifeeyay inay yihiin kuwo kursi ku doodaya.
“Ninka ka hadlaya C/kariin ee dhahaya 1977 ayuu ku dhaawacmay, muu ka hadlo dadkiisa ee maalin kasta dhaawacmaya, gaar ahaan ciidanka qaranka, kuwa ay Shabaab maalin kasta laayaan oo qaraxa la daba taagan, kuwa dhahaya ninba la dhiibay ee mudaahadaradaya C/kariin waa hal shaqsi, wuu ka nasiib fiican yahay kuwii hore, si nabadgelyo ayuu halkan ku joogaan dastuur iyo sharci ayuu sugayaa, dastuurkaas ayaa wuxuu siiyo luu eeyahay, ee maxaa loo waayay dad Al-Shabaab dadkii ay leysay ka mudaaharaadaya, mey ka mudaaharaadaan Ardaydii qalin jebinayay ee la qarxiyay, kuwa masaajidada lagu dilo, qaraxa maalin kasta dhacaya, maxay maalina ugu mudaaharaadi waayeen”ayuu yiri Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya.
Dhanka kale Madaxweynaha dowlad deegaanka Soomaalida Itoobiya Cabdi Maxamuud Cumar Waxaa uu sheegay in Soomaaliya iyo Itoobiya ay yihiin dad walaalo ah oo xiriir soo jireen ah u dhaxeeyo, isagoo soo hadal qaaday heshiisyo lala galay Madaxdii hore, sida Wasiir Mahad Maxamed Salaad, Maxamed Mursal Geelle, Madaxweynihii hore ee Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, wuxuu tilmaamay in dhamaan heshiisyadaas ay ahaayeen kuwo hada laga jawaabay ee maxaabiistii la sii daayay ay qeyb ka aheyd sida uu yiri.
“Dowladda hada jirta ee Kheyre iyo Madaxweyne Farmaajo, shalay Ra’iisul Wasaaraha Itoobiya Hailemariam ayay ka codsadeen in loo sii daayo 114 dhalinyaro oo halkan dambi ka galay, Ra’iisul Wasaaruhu wuxuu amar ku bixiyay in farta laga saaro, markii la sii daayay waa lagu amaanayay, markaas waxaa laga jawaabayay xiriirkii labada dowladood.
Dhanka kale Waxaa uu ugu baaqay Xildhibaanada Baarlamaanka Federaalka Soomaliya ee ka doodaya arrinta C/kariin Shiikh Muuse (Qalbi Dhagax) in ugu horeyn ay mooshin ka keenaan Al-Shabaab iyo dhibaatada ay ka wadaan dalka.
Ugu dambeyn waxaa uu sheegay in dowladda Itoobiya aysan marna ogolaan dad cadaw ku ah Soomaaliya inay dalkooda joogaan, sidaas darteed Soomaaliya ayuu tilmaamay in aanay aheyn inay ogolaato inay joogaan dad cadaw ku ah Itoobiya, waliba Urur Argagixiso ah sida uu yiri

