Faah-faahin:-Qarax Ka Dhacay Duleedka Magaalada Muqdisho.

0

Wararka ka imaanaya Duleedka Magaaladda muqdisho ayaa ku waramaya in qarax Miino oo Dhulka lagu aasay in lala eegtay ciidamada Dowladda Soomaaliya oo marayay  deegaanka Ceelasha Biyaha.

Qaraxa ayaa la sheegay in gaariga lala helay islamarkaana ay ku dhinteen 2-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Dowladda Soomaliya.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Ciidamada qaraxa lala eegtay ay ka Tirsanaayeen ciidamo ay tababarto Hay’adda Bancraft kuwaasi oo ka yimid dhanka Gobolka Shabeellaha Hoose.

Ma Jiro wax war ah oo kasoo baxay Dhanka Maamulka Gobolka Shabeelaha hoose, iyo Al-shabaab oo loogu hadlaayo qaraxa Ka Dhacay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Magaaladda muqdisho.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here