Odayaasha iyo Siyaasiyiinta oo Taageeray Go’aankii Lagu Dhiibay Qalbi Dhagax

0

Magaalada Muqdisho, waxaa ka dhacay Labo Kulan oo ay yeesheen odoyaasha iyo siyaasiyiinta kuwaasi oo lagu taageerayay go’aanka Dowladda Federaalka Soomaliya  ay ku dhiibtay C/kariin Sheekh Muuse (Qalbi Dhagax),oo katirsan saraakiisha sar sare ee Ururka ONLF.

Kulamadaan waxay ka kala dhaceen Hotelka Naasa hablood 2,  iyo guriga uu Magaaladda Muqdisho ka dagan yahay Nabadoon Maxamed Xasan Xaad, waxaa kala qabtay Odayaasha Beelaha Hawiye Qaarkood iyo Siyaasiga Salaad Cali Jeelle.

Sida ay inoo sheegeen mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya Xukuumadda  Federaalka Soomaliya ayaa culeys ku saartay  odayaasha kala ah Axmed Diiriye Cali iyo Maxamed Xasan Xaad in warbaahinta la hadlaan oo ay dadka u sheegaan in arinta gacan gelinta C/kariin Shiikh Muuse(Qalbi Dhagax), ee Itoobiya looga dambeeyo xukuumadda Soomaaliya.

Siyaasiga Salaad Cali Jeelle  oo galabta shir Jaraaid ku qabtay magaaladda Muqdisho ayaa sheegay in Dowladda Soomaliya ay ku saxan tahay go’aanka ay qaadatay islamarkaana wixii hadal ah loogu fadhiyo Xukuumadda Soomaliya, qalbi dhagaxna uu ahaa nin Ethopia ahaa.

Sidoo kale waxaa la xaqiijiyay in Xukuumadda Federaalka Soomaliya ay ololahan ku bixinayso dhaqaale, iyada oo isku deyeysa in ay qiil u raadiso go’aanka Qalbi Dhgax Lagu Dhiibay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here