Sida aan idin kugu soo gudbinay wararkeena hore waxaa saakay Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo lagu arkay meydadka Labo Nabadoon oo kamid ahaa Nabadoonada sida weyn loogu yaqaanay Degmadaas.
Nabadoonadaan ayaa la sheegay in lagala baxay Hoygooda oo ku yaala Degmada Ceel-waaq islamarkaana iyagoo si arxandaro loo dilay saakay aroortii lagu arkay gudaha Degmadaas.
Nabadoonadaan la dilay ayaa lagu kala magacaabi jiray Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle iyo Nabadoon Macalin Aadan.
Sidoo kale dadka deegaanka Degmada Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa sheegay in Nabadoon C/raxmaan Ugaas Cali Damdamle uu la dhashay Ugaaska Beesha Garre.
Tani ayaa ka dambeysay kadib markii Nabadoonadaan ay ka qeyb qaateen dhawaan doorashadii madaxtinimada, ee 8-dii bishii hore ee August ka qabsoomtay dalkaasi.

