Saldhig ay ciidanka Puntland ku lahaayeen tuulada Af-urur ee gobolka Bari ayaa waxaa ka dhacay labo qarax.
Qaraxyada waxaa lasoo hoos galiyay kabradha Qaadka, waxaana lagu aadiyey xilli ciidan badan halkaasi qaad ka qaadanayey.
Qaraxa kowaad marku dhacay ciidamada ayaa ayaa isku dayey inay dadka waxyeelobay qaadaan, kadibna waxa dhacay Qarax labaad.
Al-shabab ayaa ka dambeeyay falkaan sida ay kusoo qoreen barahooda internetka.
Khasaaraha dhimasho iyo dhaawac ayaa jira, balse weli s rasmi ah looma faah faahin.
Wararka qaar waxay sheegayaan in dhimashadu marayso 15 qof oo u badan ciidanka dowladda.
Bishii June ee sanadkaan ayay ahayd markii tuulada Afurur uu ka dhacay weerar lagu laayay ciidanka, weerarkaas oo ay ka dambeeyeen kooxda Alshabab.

