Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble oo safar aan horay loo sii shaacin maanta ku tagay Magaaladda baladweyne ayaa sheegay in maamulka hirshabeelle ay fowdo ku wado dowlada dhexe ee soomaaliya waxanaa uu sheegay in maamulka hirshabeelle uu ku shaqeyn doono magaalada baladweyne ee xarunta gobolka hiiraan.
Cali osoble ayaa sheegay in Madaxweynaha Jamhuuriyadda federaalka Soomaliya Maxamed C/laahi Maxamed (Farmaajo), iyo Raisulwasaaraha Soomaliya Xasan Cali kheyre ay si xoog ah ugula wareegeen waa siduu hadalka u dhigee Magaaladda jowhar,islamarkaana wixii xiligaan ka dambeeya uu ka shaqeyn doono magaaladda Beledweyne.
Madaxweynihii Xilka laga qaaday ee Maamulka Hir-shabeelle Cali Cabdullahi Cosoble ayaa wali ku adkeysanaya in uu yahay madaxweynaha sharciga ah ee Maamulka hir-shabeelle wuxuuna meesha ka saaray go’aankii dowladda Dhexe ee Soomaliya iyo xildhibaanada Baarlamanaka maamulkaas ay xilka kaga qaadeen.

