AMISOM iyo Koonfur Galbeed oo Kawada Hadlay La Wareegitaanka Leego

0

Maamulka Koonfur Galbeed iyo AMISOM ayaa  kulan ka yeeshay sidii  gacanta Maamulka Koonfur Galbeed loogu soo celin lahaa Deegaanka leego ee Gobalka Shabeelaha Hoose muddo Asbuucyo ah ay maamulayaan Ciidamo ka tirsan Al-shabaab.

Gudoomiyaha Deegaanka Leego ee Gobalka Shabeellaha Hoose Cabdulaahi  Abuukar Isaaq oo U Waramay Idaacada Simba ayaa Sheegay in Maamulka Koonfur Galbeed iyo AMISOM aysan ka rajo dhigin Deegaanka Leego waxa uuna Xusay Saraalkiisha Ciidamada Itoobiya ay ka Wada hadleen sidii Al-shabaab looga Saari lahaa deegaankaasi

Gudoomiyaha ayaa sheegay Kulan Saddex gees ah ay Xaalada Deegaankaasi ka Yeesheen Saraakiisha Ciidamada AMISOM,Kuwa Dowladda Soomaaliya iyo Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayna isku  afgarteen Jawaab deg deg ah laga bixiyo Xaalada Deegaanka Leego.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here