Diyaarad Duqeysay Magaalo Xeebeedka Caluula+Dhageyso

0
A Canadian CH-146 Griffon helicopter from the 430th Helicopter Squadron flies over Wisconsin July 16, 2006, during Patriot 2006. Patriot increases the war-fighting capabilities of the National Guard, reserve, and active components of the Air Force and Army. Additionally, Canadian, United Kingdom, and Dutch forces are participating, increasing combined effectiveness. (U.S. Air Force photo by Master Sgt. Robert A. Whitehead) (Released)

Wararka ka imaanaya Magaalo Xeebeedka Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland ayaa ku waramaya in diyaarad dagaal ay saakay deegaankaas duqeyn ka geysatay.

Mid kamid ah dadka deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula oo la hadlay oo warbaahinta ayaa sheegay in diyaarad  jawi hoose ku socotay ay duqeyn ka geysatay deegaanka islamarkaana uu jiro qasaaro soo gaaray xoolo ay lahaayeen dadka deegaankas.

“Saakay Salaadii Subax diyaarad dagaal ayaa duqeysay deegaanka Afkalahaye ee degmada Caluula, dhawaqa rasaasta ay ridaysay ayaa laga maqlay deegaanka, goobta ay duqeysay ayaa ah goob ay ku sugnaayeen xoolo, waxaa jiro qasaaro soo gaaray xoolaha baaritaan ayaan wadnaa”, ayuu yiri mid kamid ah dadka deegaanka.

Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamul Goboleedka Puntland oo loogu hadlayo diyaaradda duqeysay degmada Caluula ee gobolka Gardafuu ee Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here