Galmudug oo Ka Hadashay Sargaal Ka Tirsan Ururka (ONLF) oo La Qabtay

0

Wasiirka Amniga Dowladd Goboleedka Galmudug Cismaan Ciise Nuur oo la hadlay warbaahinta ayaa waxaa uu ka hadlay Sargaal Katirsan ururka (ONLF) oo Laba Maalin Kahor Lagu qabtay Magaalada Gaalkacyo ee Gobolka Mudug.

Sargaalkan oo Lagu magacaabo  Abdkarin Sh Muse (Qalbi DHAGAX) ayuu wasiirku Sheegay in Laga qabtay Magaalada Gaalkacyo Asagoo wada falal amaanka Maamulka Galmudug Lidi ku ah.

Waxaana uu Wasiirku sheegay in Ciidamada Nabadsugida Qaranka ay Si Xoogaa ku qaateen Sargaalkaas Loona Waday Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.

Dawlada Somaliya ayuu baaq udiray Wasiirka Maamulka Galmudug Cismaan Ciise Nuur  Waxaana uu kacodsaday in Gacanta Maamulka Galmudug dib Loogu Soo Celiyo,waxaana uu Shaki Galiyay Wadashaqaynta Dawlada Dhexe iyo Galmudug hadii gacntooda dib loogu Soocelinwaayo.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here