Saldhiga Milateri ee Turkiga Ka Dhistay Magaalada Muqdisho+Sawirro

0

Diyaar garowgii u dambeeyay ayaa loogu jiraa furitaanka Saldhiga Milateri ee Turkiga ka dhistay magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya, iyadoo la dhameeyay dhamaan adeegyadii lagama maarmaanka u ahaa.

Saldhiga ayaa markii u horeysay lagu arkay gaadiidka gaashaaman ee Ciidamada Turkiga, waxaana gudaha xerada ammaankeeda sugaya Ciidamo Turkish ah oo dhowaan Muqdisho la keenay.

Dhismaha Xeradan Milateri ayaa ku taal dhanka xeebta, wadada aada Jazeera, waxaana magaalada Muqdisho ay u jirtaa illaa 3KM.

Dhismaha ayaa ka kooban dhowr qeybood, sida dhismayaal kala duwan oo ay seexanayaan askarta la tababaro, masaajid, guryaha saraakiisha iyo Ciidamada Turkiga.

K

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here