Shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada Midowg Afrika AMISOM ayaa beenisay hadal heynta ku aadan in mid kamid ah diyaaradaheeda lagu fuliyay weerarkii shalay ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.
War saxaafadeed kasoo baxay Shirkadda Bancroft ayaa lagu sheegay in baraha bulshada ay ku arkeen eedeenta loo jeedinayo shirkadda ee ku aadan in ay ka qeyb qaadatay weerarkii 10-qof lagu dilay ee shalay ka dhacay Beer ku taala deegaanka Bariire.
“Waxaa jira warar ah in aan ka qeyb qaadanayay howlgalka ka dhacay deegaanka Barire, balse waxaan cadeynaynaa in wararkaas ay yihiin kuwa been abuur ah, ma jiraan Ciidamo ka socda dhankeeda oo ka qeyb qaatay weerarkii shacabta lagu laayay ee ka dhacay deegaanka bariire ee Gobolka Shabeelaha Hoose.”, ayaa lagu yiri war kasoo baxay Shirkadda Bancroft.
Sidoo kale warka kasoo baxay Shirkadda Bancroft ayaa lagu sheegay in ay aad kaga xun yihiin dadkii lagu laayay shabeelaha Hoose, balse shirkadda oo Soomaliya ka howgalaysa muddo 9-sano ah aysan waligeed ka qeyb qaadanin weerar lagu laayay shacab Soomaliyeed, ayna mar walba u taagan tahay gacan siinta Dowladda Soomaliya iyo Ciidamada AMISOM.
Mas’uuliyiin ka Tirsan Maamulka Gobolka Shabeelaha Hoose ayaa sheegay in weerarka ay fuliysay Diyaarad ay leedahay shirkadda Bancroft ee qaabilsan la talinta howlaha amniga iyo tababarka ciidamada AMISOM, islamarkaana lagu dilay 10-ruux oo shacab ahaa.

