Ciidamada Dowladd Goboleedka Galmudug iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ayaa Saakay la wareegay gacanta ku heynta Deegaanka Mareergur oo 18 KM u jira magaalada Godinlabe Gobolka Galgaduud oo mudooyinkii ugu dambeeyay ay ku sugnaayeen Ciidamada Ahlusuna.
Gadiidka dagaalka oo gaaraya ilaa iyo 20 gaari ayaa gaaray deegaanka Mareergur ee Gobolka Galgaduud waxaana soo wajahday dadka degaanka cabsi ay ka qabaan in dagaal dhaco madaama ay weli aysan degaankaas ka fogeyn ciidamadii iskaga baxay Mareergur ee Ahlusuna Waljameeca.
Dhanka kale Degmada Dhusamareeb oo xarun u ah maamulka gobolada Dhexe ee Ahlusuna Waljameeca ayaa laga dareemaya xiisad ciidan oo y wadan maamulka Ahlusunna madama ay gacantooda ka baxday degaanka Mareergur.

