Puntland oo Amaro Culus Dhul Dhigtay Ganacsatada Magaaladda Boosaaso+Dhageyso

0

Madaxweyne kuxigeenka Dowlad Gobaleedka Puntland Mudane Eng.Cabdixakiin Cabdulaahi Xaaji Cumar Camay ayaa soo saaray Amaro filan waa ku noqoday Ganacsata Magaalada Boosaaso gaar ahaan Kuwa Badeecoonyinka ay uga Soo dagaan Dekeda Magaaladda Boosaaso.

Eng- Camay ayaa ku Amaray Ganacsata Dekeda Magaalada Boosaaso aysan wax Badeecooyin soo dajin doonin marka lagaaro 15 bisha Setemper 2017 ciidaan haysan Shahaado ganacsi islamarkaan aan iska soo diwaan galin Wasaarada Ganacsiga Puntland.

Hadalkaan ayuu ka sheegay Madaxweyne kuxigeenka Puntland xilli uu ka qeybgalay munaasabad lagu daahfuray waaxda Tayo dhawrka oo ka qabsoontay magaalada Garowe, waxaana ka qeybgalay masuuliyiin ay ka mid yihiin Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Cabdiweli Xirsi Cabdulle (Indha guran) Gudoomiye kuxigeenka Baarlamanka Puntland, Wasiiro ka tirsan Xukuumadda, Xildhibaano, Ganacsato, Haween iyo Marti sharaf kale.

Waxaa bahwadaag ku ah barnaamijkaan Wasaaraddaha kala ah Wasaaradda Ganacsiga iyo Warshadaha Puntland, Wasaarada Xanaanada Xoolaha, Wasaaradda Beeraha iyo Waraabka Puntand,Wasaaradda Caafimaadka,Wasaaradda Hawlaha Guud iyo Wasaaradda Kaluumaysiga Puntland.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here