Puntland oo Wafdi u Direysa Magaaladda Buuhoodle+Dhageyso

0

Madaxwayne kuxigeenka maamulka Puntland ahna kusimaha madaxwaynaha  Puntland Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey  oo warbaahinta la hadlay ayaa wax aan faa’iido lahayn ku tilmaamay dagaalka magaalada Buuhoodle ka dhacay maalinkii shalay.

Camey waxa uu sheegay dagaal inay garanayaan reer Buuhoodle inuu waxba soo kordhinayn, waxaana uu ku booriyay siwadajir ah in looga qaybgalo joojinta dagaalkan.

Sidoo kale Madaxweyne ku-xigeenka Maamulka Puntland ayaa xusay inuu xiriir kale duwan uu la sameeyey isimada dhaqanka oo ku sugan meelo kale duwan oo ay Muqdisho ka mid tahay, lana rajanayo inay maalinta berito u ambaxayaan magaalada Buuhdoole si looga qayb qaato kahortagidda dagaalo kale oo dhaca.

Madaxwayne kuxigeenka Puntlad ayaa dhanka kale sheegay ka xukuumad ahaan inay wafdi u dirayaan oo wasiiro iyo xildhibaano isugu jira kuwaasi oo xal ka gaari doona dagaalka kasoo cubnooday magaaladda Buuhoodle.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here