Waxaa Magaalada Muqdisho si rasmi ah uga furmay kulan ay ka qeyb-galayaan Golayaasha sharci-dajinta ee heer Federaal iyo heer Maamul goboleed, kulanka oo socon doono Mudo Sadax Maalmood ayaa looga hadlayaa wada shaqayn iyo iskaashi dhaxmara Golayaasha Sharci-dajinta ee dalka.
kulanka oo ah kii ugu horeyay oo noociisa ah ayaa looga hadli doonaa qodobo dhowr ah oo ay ugu muhiimsan tahay wada-shaqayn dhab ah oo dhaxmarta dhamaan Golayaasha sharci-dajinta iyo sidii loo hormarin lahaa hanaanka sharci-dajineed ee dalka.
Guddoomiye kuxigeenka 2-aad ee Golaha Shacabka M-ne Mahad Cabdalla Cawad oo kulanka ka hadlay ayaa ku dheeraaday ka sheekeenta kulamada noocaan oo kale ah muhiimada ay leeyihiin wuxuuna sheegay in loo baahan yahay in la joogtayo iska warqabka iyo iskaashiga hay’adaha sharci-dajinta dalka.
Dhinaca kale shirka oo socondoona ilaa 21-bisha ayaa la filayaa in laga soo saaro gunaanadka kulanka go’aamo la xariira wadashaqaynta iyo iskaashi dhab ah oo dhax mara dhamaan hay’adaha Sharci-dajinta ee dalka.


















