Faah-faahin:-Dagaal Ka Dhacay Magaaladda Cadaado

0

Wararka ka imaanaya Magaladda Cadaado ee caasimadda KMG ah ee Maamulka Galmudug ayaa ku waramaya in iska hor imaad u dhaxeeyay Ciidamada Nabad Sugida Maamulkaas iyo maleeshiyaad hubeysan  in uu ka dhacay magaaladaas.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay dageen  goob ay fariisin ku lahaayeen Ciidamada Galmudug islamarkaana ay bilaabeen in ay halkaas ku qaadeen lacago baad ah.

Ciidamada Booliska iyo NISA ayaa weerar ku qaaday goobta, kadib markii ay Maleeshiyadu diideen in ay baneeyey goobta, waxaana halkaas ka dhashay dagaal khasaare dhaliyey, dagaalka ayaa waxaa ku dhintay ilaa 4 qof oo labada dhinac ah, sidoo kale waxaa ku dhaawacmay 18 kale, dhaawaca ayaa waxaa ku jira dad shacab oo guryahoodu xabadu ugu tagtay.

Isbitaalka guud ee Cadaado ayaa la geeyey dhammaan dhaawacyada, waxaana shacabka Cadaado bilaabeen banaanbax ay ugu soo horjeedeen dagaalkan, dadka ayaa ku baaqay in xabadda la joojiyo, waxaana socota waan waan ay wadaan waxgaradka magaalada.

Waxaa dagan xaaladda goobihii ay galabta ku dagaalameen ciidamada Maamulka Galmudug iyo maaliyeeshiyo uu horkacayey Cabdulqaadir Afweyne, dagaalka ayaa ka dhacay meel 5km waqooyi kaga beegan Magaalada Cadaado.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here