Dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab ayaa weerar xoogan ku qaaday deegaan dhaca duleedka magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.
Rag ka tirsan Al-shabaab ayaa weerar xooggan xalay fiidkii ku qaaday saldhig ciidamo ka Tirsan maamulka Puntland ay ku lahaayeen deegaanka Galgala oo qiyaastii 35 KM ujira magaalada Boosaaso.
Ciidamada Maamulka puntland iyo Al-shabaab ayaa la sheegay in ay isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan islaamarkaana uu jiro qasaaro soo kala gaaray labada Ciidamada.
Warbaahinta Al-shabaab ayaa lagu baahiyay in dagaalkaas lagu dilay 12-askari oo ka tirsanaa Ciidamada Amaanka Maamulka Puntland.
Ilaa haatan ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhanka Maamulka Puntland oo loogu hadlaayo dagaalka ka dhacay buuraha Galgala.

