Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Maamulka Hirshabeelle ayaa ka soo horjeestay Xilka qaadistii shalay Golaha Wakiilada Maamulka Hirshabeelle ay ku Sameeyeen Madaxweyne Cali Ca/laahi Cosoble.
Xildhibaan C/raxmaan Cabdi Iidoow oo ka mid ah Xildhibaanada diidan kalsooni kala Noqoshada Madaxweyne Cosoble oo la hadlay Idaacada Simba ayaa Fowdo iyo jah-wareer Siyaasadeed oo aan Sharci aheyn ku Tilmaamay Tilaabada Baaralamaanku ay qaadeen ee ah inay Kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha.
Xildhibaan iidow ayaa Tilmaamay in laga Been abuurtay Baarlamaanka oo uu sheegay in uu Xirnaa Maalmahaan islamarkaana ay maqan yihiin Gudoomiyaha iyo Guddiyada Joogtada ah ee Baarlamaanka kuwaas oo ku sugan Magaalaada Muqdisho.
Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay Xilka Qaadistii Baarlamaanka Hir-shabeelle aya ku Sameeyeen Madaxweyne Cali Ca/laahi Cosoble ayaa Si weyn looga Dareemayaa Magaalooyinka Jowhar iyo Baladweyne ee Gobalada Hiiraan iyo Shabeellaha Dhexe ka dib markii uu soo baxay Go’aanka Baarlamaanka Maamulkaasi.

