Koonfur Galbeed Soomaliya oo Weerar Ku ah Deeganada Xarakada Al-shabaab

0

Wasiirka amniga Dowlad Goboleedka  koonfur Galbeed soomaaliya mudane Xasan Xuseen Maxamed (eeley) oo warbaahinta kula hadlay degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa sheegey in  deegaanada yar yar ay gacanta Ku haayaan  Al-shabaab ay ka saari doonan sida ugu dhaqsiyaha badan ayna furi doonaan wadooyinka godoonsan ,deeganka waliba ay gacanta lagu dhigo.

Sidoo kale Wasiir Xasan ayaa sheegay in deegaano walba oo laga saaro dagaalyahanada Al-shabaab in la geyn doono Ciidamo iyo Saraakiiil ka Tirsan Ciidamada booliska gaarka ah ee Dowladd goboleedka koonfrur galbeed Soomaliya iyo kuwa Xoogga dalka Soomaliyeed ayna dib usoo laaban doonin.

Sidoo kale Waziirka amniga Dowlad Goboleedka  koonfur Galbeed Soomaliya ayaa sheegay in askari walba uu heli doono xaquuqdii uu lahaa aysan dhici doonin in Ciidamada ay waayaan mushaaraadkii ay xaqa u lahaayeen.

 

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here