Galmudug oo Wax Ka Qabanaysa Amniga iyo Dhaqaalaha+Dhageyso

0

Maamul Goboleedka Galmudug ayaa sheegay in maalmaha soo socda ay wax badan ka qaban doonaan amniga deeganada  Maamulkaas iyo xoojinta ilaha dhaqaalaha maamulkaasi.

Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Cabdi Carabey oo warbaahinta kula hadlay Magaaladda Cadaado ayaa sheegay in Galmudug ay ka shaqeyn doonto dhanka amniga iyo in la helo dhaqaalo ku filan Maamulka, kadib markii Golaha wasiiradda maamulkaas ay anxiyeen Minaasadda 6-da bilood ay ku shaqeyn doonto Galmudug.

“Runtii waxaan doonaynaa in labada Todobaad ee soo socota in aan wax ka qabano xaga amniga, hormurinta iyo kaabayaasha dhaqaalaha Maamulka Galmudug, maalmaha soo socda ayaa howlahaas lagu dhaqaaqi doonaa”,ayuu yiri Madaxweyne Ku-xigeenka Maamulka Galmudug.

Shalay Golaha wasiiradda Dowladd Goboleedka Galmudug oo kulan  ku yeeshay magaaladdda Cadaado ayaa dood dheer kadib waxa ay ansixiyeen miisaniyadda  gaaraysa 7.2 Milyan dollarka Maraykanka.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here