Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya gobolka Sool Ciidamo ka tirsan kuwa difaaca Puntland ayaa shalay galinkii dambe ku baxay qeybo kamid ah deegaanada lagu muransanyahay ee gobolkaas.
Ciidamo aad u badan oo ka tirsan kuwa Puntland oo wata Gadiidka dagaalka noocyadiisa kala duwan ayaa la sheegay in ay gaareen deegaanada lagu muransanyahay ee gobolka Sool.
Ciidamadaan ayaa la sheegay in ay ka hortagi doonaan in Somali-land ay goobahaas geyso sanaadiiq codbixinta, kadib markii Somali-land ay sheegtay in puntland ay kala heshiisay arintaas.
Dhawaan wasiirka Arrimaha Gudaha maamulka Somali-land Fartoon ayaa sheegay in puntland ay kala hadleen arrinta cod bixinta gobolada Sool, iyo Sanaag loona oglaaday waa siduu hadalka u dhigee.
Dhanka kale wasiirka Warfaafinta Maamulka Puntland Cabdi cali Xirsi Qarjab ayaa dhankiisa sheegay in dhankooda aysan ogolaan doonin in Somali-land ay sanaadiiq codbixinta, geyso Gobolada Sool iyo Sanaag.
Gobollada Sool, Sanaag iyo Cayn ayaa ah kuwo ay ku muransan yihiin maamullada Somalilandiyo Puntland, waxaana tan iyo bur-burkii dowladdii dhexe ee Milatariga ka dhacay dagaalo u dhaxeeya ciidamada labada dhinac.

