War Deg Deg:-Diyaaradii Siday Muqtaar Roobow oo Soo Caga Dhigatay Muqdisho

0

Garoonka diyaaradaha magaaladda muqdisho waxaa goordhaweyd kasoo dagatay diyaarad nooca Helicopter-ka ah oo sida Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur   oo ay wehliyaan Mas’uuliyiin ka Tirsan Dowladda Soomaliya taasi oo kasoo kacday Magaalada Xudur ee Gobolka Bakool.

Diyaaradaan waxaa saaran Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya C/rashiid C/llaahiMaxamed iyo Taliye kuxigeenka NISA Jaamac  iyo mas’uuliyiin ka tirsan Dowladd goboleedka Koonfur Galbeed Soomaliya.

Garoonka Diyaaradaha magaaladda muqdisho waxaa kusoo dhaweeyay mas’uuliyiin ka tirsan Dowladda Soomaliya iyo Saraakiil Ciiidan

Muqtaar Roobow oo soo  gaaray  saakay Degmada Xudur ee Gobolka bakool ayaa kulan la qaatay madax ka tirsan Dowladda Soomaliya iyo Koonfur Galbeed Soomaliya waxaana lagu qanciyey inuu usoo safro magaaladda Muqdisho si uu wadahadal ula yeesho dowladda Federaalka Soomaaliya kadib markii uu ku qanci waayey siyaasadda  dagaalyahanada Al-shabaab.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa u diyaar garowday sidii Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur u soo dhoweyn laheyd, waxaana la filayaa inuu magaalada Muqdisho uu ka dhaco kulan u dhaxeeya Mukhtaar Roobow iyo dowladda Soomaaliya kaasoo looga hadli doono go’aanka Roobow iyo waxa iska badalay.

Warar soo baxaya ayaa sheegaya in Muqtaar  Roobow uu diyaar u yahay in Dowladda Soomaliya iyo  Koonfur Galbeed  uu ka caawiyo sidii Al-shabaab loogu saari lahaa deegaanada Gobolada Baay iyo bakool.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here