Sida ay sheegayaan wararka ka imaanaya Gobolka Bakool Shiikh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur iyo Ciidamo isaga daacad u ah ayaa isku dhiibay Maamulka Koofur Galbeed.
Wararka ayaa tilmaamaya in Muqtaar Roobow oo mudooyinkii ugu dambeeyay ku sugnaa deegaanka Abal uu la kulmay madaxda Maamulka koonfur galbeed Soomaliya, islamarkaana saacadaha soo socda uu gaari doono Magaalada Xuddur ee xarunta Gobolka Bakool.
Masuuliyiinta ka Tirsan Maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya ayaa shalay Saanad milatari ku wareejiyey Maleeshiyaadka daacadda u ah sheikh mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo maalmihii dambe dagaal kula jiray ciidamo Ka tirsan Xarakada Al-shabaab.
Al-shaabab ayaa dhawaan weerar xoogan ku qaaday muqtaar roobow iyo Ciidamadiisa waxaana dagaalkaas ku dhintay 19-qof oo u badan dhinacyadiii dagaalmay.
Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab iyo ciidamo isaga daacad u ah ayaa ku sugan deegaanka Abal oo ka Tirsan Gobolka Bakool,waxaana dhowr jeer oo hore meelo ku dhow deegaankaas gaaray Al-shabaab, oo la sheegay xitaa in ay ka dalbadeen in uu wada-hadal la furo.
Tan iyo markii dowladda Mareykanka ay shaacisay in ka qaaday xayiraadii lacageed ee saarneyd Abuu Mansuur waxaa kordhay cadaadiska uu kala kulmayo Al-Shabaab.
Maamulka Koofur Galbeed Soomaliya ee Gobolada Baay iyo Bakool ayaa horay u xaqiijiyay in Al-Shabaab ay doonayaan inay weeraraan Shiikh Muqtaar Roobow Cali (Abuu Mansuur) afhayeenkii hore ee Al-shabaab.
Abuu Mansuur oo sanadkii 2013 ka tagay Al-shabaab ayaa ku sugnaa deegaanada uu ka soo jeeda ee Bay iyo Bakool, halkaasoo uu ku dhuumaaleysan jiray kuna haystay Ciidamo fara badan oo ay isku hayb yihiin.

