Agaasimaha Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadaha Dowladda Federaalka Soomaliya Gaashaanle Sare Maxamed Aadan Jimcaale (Koofi) ayaa safar shaqo ku tagay dalka Switzerland.
Agaasimaha ayaa la kulmay Madaxda dalkaas wuxuuna kala hadlay hagaajinta xariirka iyo baasaboorka Soomaaliya, waxaana dhinaca Soomaaliya hoggaaminaya safiiradda Soomaaliya u fadhisa dalka Switzerland Marwo Faadumo.
“Safar shaqo ayaan ku soo gaarey dalka Switzerland, waxaana kulamo la qaadan doonaa wasaaradda arimaha dibadda iyo hay’adda socdaalka,wadahadalada ayaa ku saabsan Switzerland ayaa ka mid ah dalalka aan aqoonsaneyn baasaboorka Soomaaliya waxaana hadda bilaawdey wadahadalada ku saabsan baasaboorka. Waxaan ka jawaabi doonaa su’aalo ay ka qabaan Soomaaliya iyo dukumentiyada rasmiga ah”,ayuu yiri Agaasime Koofi.
Dowladda Switzerland ayaa kamid ah Dowladaha Yurub ee aan aqoonsanen Baasa-boorka Soomaliya.

