Akhriso:-Magacyadda Ragga Hogaaminaya Dagaalka Lagu Qaaday Mukhtaar Roobow

0
????????????????????????????????????????????????????????

Ciidamo ka Tirsan Xarakada Al-shaabab ayaa xalay dagaal xoogan waxa ay ku qaadeen deegaanka Abal  Degmada Xudur ee Gobolka Bakool oo uu ku sugan yahay Sheekh Mukhtaar Roobow Cali (AbuuMansuur) Afhayeenkii Hore ee Al-shabaab.

Sida ay xaqijiyeen Saraakiil dhanka amaanka ah waxaa Dagaalka lagu qaaday Muqtaar Roobow hogaaminaya  Saraakiiil ka Tirsan Al-shabaab oo haatan madax ka ah qaar kamid ah Gobolada Al-shabaab ay gacanta ku hayaan.

Laba sarkaal ayaa Alshabaab u hoggaaminaya dagaalkan waxayna kalayihiin: Xasan Yacquub Cali oo hore u ahaa Waaligii Al-shabaab ee Jubbada Hoose haddana ah waaliga ama guddoomiyaha Gobolka Galgaduud iyo C/llaahi Macalin Geedow oo ah waaliga Alshabab ee Gobolka Bakool.

Xasan Yacquub Gudoomiyaha  Al-shabaab ugu magacaaban Gobolka Galgaduud  iyo Macalin Geedow  ayaa hore uga hoos shaqeyn jiray Mukhtaar Roobow markii uu ahaa ku xigeenka Amiirka Al-shabaab, balse waxay xaaladu is bedeshay markii hoggaanka sare ee Al-shabaab ay is khilaafeen.

Xiisada colaadeed ee  Madaxda Al-shabaab iyo Sheekh Mukhtaar Roobow ayaa laba kacleysay markii Mareykanka uu Sheekha ka saaray liiskii argagixisada, taasoo shaki ku abuurtay Alshabaab oo dalab u diray si uu ururka dib ugu soo laabto, markii uu diidayna dagaal ku iclaamisay, kaasoo maanta qarxay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here