In ka badan 100-Caruur ah ayaa ka barakacay goobaha ay maamulaan dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab, iyagoona gaaray deegaanka Cadale ee Gobolka Shabeelaha Dhexe oo kamid ah goobaha ay dowladda Soomaliya gacanta ku hayso.
Degmadda Cadale ayaa 220KM kaga beegan Woqooyi bari ee Magaaladda Muqdisho ee Caasimadda Soomaliya.
Gudoomiyaha Degmadda Cadale Muse Mohamed Ahmed, oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in caruur da’dooda aad u yar tahay lagala soo cararay goobaha ay maamulaan Al-shabaab iyadoo waliidiinta ka cabsi qabeen in caruurtooda la askareeyo.
“Al-shabaab waxaa u dagaalama dagaalyahano da’dooda aad u weyn tahay, haatan waxa ay doonayaan in ay caruurta ka afduubtaan goobaha waxbarashada, islarmarkaana ay ciidamiyaan, balse qoysaska dhalay Caruurta ayaa go’aansaday in ay kala soo cararaan ayna keenaan goobaha Dowladda Soomaliya ay maamusho”, ayuu yiri Gudoomiyaha Degmadda Cadale
Qiyaas ahaan waxaa la sheegay in 500-caruur ah in ay kasoo barakaceen goobaha ay maamulaan dagaalyahnada Xarakadda Al-shabaab, sida Gobolada Galgudud, Hiraan iyo Shabeelaha Dhexe.
Sidoo kale waxa uu sheegay in caruurta lasoo gaarsiiyay ay da’dooda u dhaxayso 10 ilaa 15-sano jir islamarkaana qoys walba oo ku nool degmada Cadale loo bandhigay in uu qaabilo 3-canug ama 2-canug
Dhawaan Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay General Antonio Guterres oo booqasho ku yimid Magaaladda Muqdisho ee caasimadda Soomaliya ayaa sheegay in dagaalyahanada u dagaalama Al-shabaab in qeyb kamid ah ay yihiin caruur xoog lagu ciidamiyay.

