Ciidamada Somali-land oo Xirey Xarunta Golaha Wakiiladda Maamulkaas

0

Ciidamada amaanka maamulka Somali-land ayaa xirey Xarunta Golaha wakiilada Maamulkaas, kadib markii xarunta golaha dhexdeeda laga riday xabad, sida warbaahinta  usheegeen qaar kamid ah xildhibaanada golaha wakiilada.

Ninka xabada riday ayaa la sheegay inuu darawal u ahaa mid ka mida xildhibaanada golaha wakiilada Somaliland.

Dhanka kale ilaa hada ma jiro wax khasaare ah oo ka dhashay xabada dhacday, iyada oo ciidamada amaankuna ay gacanta kudhigeen ninkii xabada riday isla markaana ay sugeen amaanka xarunta golaha wakiilada.

Golaha wakiilada waxaa ka jira khilaaf ku saabsan is maandhaaf ka dhashay doorashada gudoomiyaha golaha wakiilada kadib markii uu gudoomiyihii hore ee golaha Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Ciro) uu iscasilay.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here