Akhriso:-Xukuno Lagu Riday Dhalinyaro Soomaliyeed Dalka Hindiya

0

Maxkamad gaar ah oo ku taala dalka Hindiya ayaa lasoo taagay 16 Soomaali ah oo lagu eedeeyay in ay geysteen falal burcad badeed iyadoo raggaas lagu xukumay min 7 sano oo xarig ah.

Raggan ayaa ku xirnaa xabsiyada ku yaal dalka Hindiya tan iyo sanadkii 2011-kii waxana loo soo dhoofinayaa dalka Soomaaliya maadaama ay sanadihii lagu xukumay ay xabsi ku jireen.

Sida ay sheegtay Safiirka Soomaliya ee dalka Hindiya Ebyan Ladane Salah  ayaa dhankeeda sheegtay in dhalinyaradda Xukunadda lagu riday ay dhawana dalka dib ugu soo laaban doonaan iyagoo xukunadooda ku dhameysan doona dalka Gudihiisa

“Maanta waxaa la xukumey kooxdii labaad ee maxaabiista ku xirneyd Mumbai. Waxaan sugnaa waa labada kooxood ee hartey, kadibna waddankii aynu dib ugu celino haddii alle idmo..”ayaa tiri Safiirka Soomaliya ee dalka Hindiya Ebyan Ladane Salah.

Soo saarista maxkamadan ayaa ah tii labaad iyadoo la filayo in tiro kale maxkamada la soo taagi doono, waxaa hore 15 dhalinyaro ah hore loogu xukumay min toddobo sano oo xarig ah.

Illaa iyo 87 dhalinyaro Soomaali ah oo ku jira xabsiyada dalka Hindiya ayaa lagu wadaa in jimcaha soo socda ama toddobaadka dambe maxkamad la soo taago.

Dhawaan Wasiirka Arrimaha Dibada Soomaaliya Yuusuf Garaad Cumar ayaa dhowaan booqday dalka Hindiya iyadoo labada dowladoo ay heshiis ku gaareen in dhalinyarada Soomaalida ah ee ku jira xabsiyada dalka Hindiya loona haysto burcad badeednimada la soo taago maxkamad ayna xukunkooda ku dhamaystaan dalkooda hooyo.

CEVAP VER

Please enter your comment!
Please enter your name here