Qaramada midoobay ayaa lagu eedeeyay in ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka midowga Africa ee AMISOM in aaney helin mushaaraadkooda waqtigii loogu talagalay kuwaa oo dagaal kula jira dagaalyanada Xarakada Al shabaab kana howlgala gudaha dalka soomaaliya.
Document uu baahiyay qasnajiga dowlada Kenya ayaa waxaa lagu muujiyay in ciidamada kenyaka ay helaan 7.8 billion oo shilin sanadkiiba marka laga bilaabo bisha June waxaana horay heshiisku ahaa in la bixiyo 6.44 bililon oo shilnka kenyatiga waxaana intaa lagu daray in aanay jirin lacag dheeraad ah oo aysan helin ciidamada Kenya ee ka howlga gudaha dalka Soomaaliya.
Kulanka lagu kala saxiixday heshiisyada ku aadan miisaaniyada loogu talagalay ciidamada Kenya ee kamidka ah howlaga AMISOM ayaa ahaa mid saddex geesood ah waxaana qaramada midoobay ay ku guul dareesatay in ay bixiso lacagaha waqtiga loogu talagalay.
Balaayiin dollar ayuu balan qaaday xoghaya guud ee qaramada midoobay in uu sida ugu dhaqsiyaha badan ku wareejin doono dowlada Kenya xili uu booqasho ku tagay dalkaasi,waxaana uu balan qaaday teegeero joogta ah si looga adkaado dagaalyanada Xarakada Al shabaab.
3 March xoghaya guud ee qaramada midoobay Antinio Gutters ayaa la kulmay madaxweynaha dalka Kenya Uhur Kenyatta waxaana xoghayaha uu xiligaa sheegay in uu dadaal dheeraad ah ku bixinayo soo celinta nabad galyada dalka soomaaliya, waxaana soomaaliya ka howlgala 4,000 oo askar oo ka socda dalka Kenya kuwaa oo qeyb ka ah howlgalka AMISOM.

