Garyaqaanka Guud ee dowladda Dr. Cusmaan Cilmi Guuleed ayaa soo saaray qoraal uu ku ayidayo xukunkii ay riday Maxkamadda sare ee dalka ee ahaa in dib loogu celiyo doorashada 8-kursi oo muran la geliyay sharci ahaanshahooda.
Garyaqaanka Guud ayaa sidoo kale amray in la dhaqan geliyo xukunka Maxkamadda warqada sumadeedu yahay Ms/119/2017 ee soo baxday 22-kii bishii hore.
Dhanka kale Qoraalka ka soo baxay Garyaqaanka Guud ayaa ku socday Guddiga doorashooyinka dadban ee heer Federaal iyo Guddiga doorashooyinka qaran, taasoo micnaheedu tahay in dib loogu celinayo doorashada 8 xildhibaan ee golaha shacabka.


